Xildhibaan Musharax Ibraahim Isaaq Yaroow oo ka hadlay Xildhibaan Muqdisho ku geeriyooday (dhegayso)

Xildhibaan Musharax Ibraahim Isaaq Yaroow  oo ka hadlay Xildhibaan Muqdisho ku geeriyooday (dhegayso)

Berri oo Isniin ah ayaa loo madlan yahay in la qabto Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka sida ay qorsheeyeen Gudiga Doorashadaasi,11-Musharax ayaana u baratamaya Xilka Afhayeenka Baarlamaanka.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ah Musharax u taagan Xilkaasi ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay Codka siiyaan,isaga oo balan qaaday in uu ilaalinayo Sharafta Xildhibaanada, iyo in uu hormuud u noqonayo in waajibaadka saaran ay u gutaan sida ay raali ka yihiin Shacabka ay Mas’uulka ka yihiin.

Musharax Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa sheegay in Xildhibaanada iyo Guud ahaan Golaha uu kala kaashan doono sidii Baarlamaanka uu ugu shaqeyn lahaa horumar iyo in ay ka wadashaqeeyaan sidii dowladnimada ay u kobci laheed.

Dhinaca kale waxa uu maanta Musharax Ibraahim Isaaq Yaroow uu ka qeyb galay Aaska Xildhibaana Khaliif Sheekh Cabdullahi (Duureey) oo Xalay Mudisho ku geeriyooday,isaga oo Marxuunka Eebe uga baryay in uu Janada ka waraabiyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com