Xildhibaan Katirsana Golaha Wakiilada Somaliland oo Hindiya Ku Geeriyooday

Xildhibaan Katirsana Golaha Wakiilada Somaliland oo Hindiya Ku Geeriyooday

Allaha U Naxariiste C/Raxmaan Maxamed Talyanlle oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiillada Maamulka Somaliland islamarkaana 6dii August u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa ku geeriyooday Dalka Hindiya.

Marxuumka dhintay ayaa ku xanuunsanayay maalmihii la soo dhaafay Dalka Hindiya halkaas oo uu ku jiray Isbitaal,waxaana uu u geeriyooday Xanuunka hayay.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayuu natiijadiisii diiday Talyanlle kaddib markii uu sheegay in isaga uu guuleystay laakiin ay guddiga doorashada natiijada oo hal cod lagu kala badiyay dhinaca kale u rideen

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com