Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo difaacay magacaabistii Gud. Maxakmadda Sare

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo difaacay magacaabistii Gud. Maxakmadda Sare

Xildhibaan Xuseen Qaasim Nuur oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa difaacay go’aankii madaxwaynaha Soomaaliya uu ugu magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare, taasi oo loo magacaabay nin dhalinyaro ah oo aan horay uga soo shaqeyn garsoorka.

Waxaa uu xildhibaanku sheegay madaxwaynuhu inuu qaatay sadex qodob oo soo jireen u ah hanaanka garsoorka ee dalka.

Halkan hoose ka akhriso qoraal uu ku soo qoray bartiisa Facebook

MAGACAABISTA MADAXWEYNAHA EE GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE WAXAY KU FADHISAA SEDAX QODOB OO SOO JIREEN AH:

Qodobka 109A ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu aas aasayaa dhismaha Golaha Adeega Garsoorka oo kooban 9 xubnood.

Sida ku cad farqada 6aad ee isla qodobka 109A, Golaha Adeega Garsoorku wuxuu magacaabaa, rukhseeyaa, anshax mariyaa isla markaana bedelaa garsoorayaasha heer federaal.

Magacaabista Madaxweynuhu magacaabay Gudoomaha Maxkamadda Sare maalintii shalay waxay ku fadhisaa sedax qodob oo soo jireen ah:

(1) Golihi adeega garsoorka ee shaqaaleyn lahaa garsoorayaasha heer federaal oo aan dhisneyn, laba jeer ayuu Baarlamaanki 9aad soo celiyay xubnihi la horgeeyay, Baarlamaanka 10aad ee hada jirana wuxuuba dib usoo celiyay habraaci dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

(2) Musuqa iyo cadaalad darrida baahsan ee dalka ka jirta taasoo saameyn xun ku yeelatay nolosha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

(3) iyo Curfiga soo jireenka ah ee ahaa in Madaxweynaha xilka haya magacaabo garsoorayaasha sar sare ee heer federaal inta laga dhisayo Golaha Adeega Garsoorka taasoo ay ugu danbeysay magacaabistii uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan 4ti Bishii May 2016.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com