Xildhibaan katirsan baarlamaanka oo madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay magacaabistii Gudoomiyihii gobolka Banaadir

Xildhibaan katirsan baarlamaanka  oo madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay magacaabistii Gudoomiyihii gobolka Banaadir

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn uga horyimid magacaabidii Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka oo ay ku dhawaaqeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

“Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com