Xildhibaan katirsan baarlamaanka Kenya oo ka soo horjeestey ciidamada ay Kenya gaynayso xadka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya udhexeeya

Xildhibaan katirsan baarlamaanka Kenya oo ka soo horjeestey ciidamada ay Kenya gaynayso xadka Badda  ee Soomaaliya iyo Kenya udhexeeya

Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale ayaa ka soo horjeestey qorshaha ay dowlada Kenya ku geyneyso ciidamada badda xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

waxa u sheegay Xildhibaankan oo ka soo jeeda gobolka ay Soomaalidu degto in go’aankaan uu dhalin karo xiisad muddo dheer socota taasoo ka dhex dhalin karta dagaal dhexmara dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaa wanaagsan in la wadahadlo si looga maarmo gacan qaad dhex mara labada dowladood ee deriska ah.”ayuu yiri Xildhibaan Daahiye.

Go’aanka Baarlamaanka Kenya ay ku qaateen in Ciidamo la geeyo Badda Soomaaliya ee Kenya sheeganeyso waxa uu ku sheegay arrin sii cakireyso Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Bisha soo socota ee September waxaa lagu ballansan yahay in go’aan ay soo saarto Maxkamadda ICJ Kiis dacweedka loo gudbiyay sanadkii 2014-kii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com