Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Puntland oo lagu dilay Bossaso & gacan ku dhiigle la qabtay.

Wacaal Daray ah: Bossaso, Jan 19 – Alle ha u naxariistee, waxaa goor dhawayd lagu dilay magaalada Bossaso Maxamed Cabdi Jibriil ‘Daqarre’, mudane ka tirsan baarlamaanka dawlada Puntland.

Mudanaha ayaa laga soo doortaa gobolka Sool.

Alle ha naxariistee, mudanaha ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen dablay hubaysani isaga oo fadhiya maktab uu ku lahaa Bossaso. Gacan ku dhiigle ku hubaysan bistoolad ayaa la sheegay in uu ugu galay mudanaha maktabka gudihiisa, deetana halkaa ku toogtay.

Mudanuhu waxaa uu hore u ahaa ganacsade, kana mid noqday golaha wakiilada Puntland 2 bilood ka hor, isaga oo bedalay aabihii oo hore uga tirsanaa golaha, una dhintay dar Alle.

Mas’uliyiin ka tirsan wasaarada warfaafinta Puntland oo aan la xiriiray ayaa noo xaqiijiyey dhimashada Alle ha u naxariistee Md. Daqarre.

Ciidanka amniga ee Bossaso ayaa markiiba isku gadaamay goobta uu dilku ka dhacay, sheegayna in ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Sida ay sheegeen ciidanka bilaysku marxuumka ayaa dhaawiciisa la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Bossaso, halkaas oo uu ku geeriyooday wax yar kadib.

Lama oga waxa uu eersaday xildhibaanku, inkasta oo ay soo baxeen warar sheegaya in dilka mudanuhu uu ku lug leeyhay aano qabiil.

Waa mudanihii 3-aad ee lagu dilay Puntland dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com