Xildhibaan Horre Siciid Diiriye :” Shacabku Ha iska Qabteen Ganacsato ku sheega Curyaamiyeey Shaqadda Dekadda”(dhegayso)

Xildhibaan Horre Siciid Diiriye :” Shacabku Ha iska Qabteen Ganacsato ku sheega Curyaamiyeey Shaqadda Dekadda”(dhegayso)

Xildhibaan Horre siciid Diiriye oo kamid ahaa Xildhibaanadi Puntland dowladii Faroole oo Waraysi sinayeey Radio daljir ayaa ka hadlay Hakadka shaqo ee kajira dekadda Boosaaso iyo khilaafka u dhaxeeya Ganacsatada iyo Dowladda,isago si kulul uga hadlay in hakad uu galo howlihii shaqo ee dekadda Boosaaso oo ah isha Ganacsiga Puntland.

Siciid diiriye ayaa sheegay in ganacsatada ay doonayaan inay iska horkenaan shacabka iyo dowladda,isago sheegay in shilimaad yar oo canshuur ah ay ka cararayaan ,wuxuna sheegay in shacabka looga bahanyahay in ganacsatadas ay iska qabtaan.

isago sii hadlaya Xildhibaan Horre Siciid diiriye ayaa wuxuu sheegay in Heshiiska Puntland iyo Shirkadda P&O Ports uu kujiro Hormarka Puntland,isla markaana uu soo galayo dhaqaale Farabadan shacabka Puntland ee kunool Boosaaso.

dhegayso Waraysiga Wariye Maxamed Lakiman ayaa Waraystay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com