Xildhibaan Gollaha deegaanka degmada Hargaysa oo loo qabtay inuu gacantiis ku dilay nin shacab ah

Hargaysa, May 29 – Xildhibaan katirsan golaha deegaanka ee degmada Hargaysa ayaa ku’ eedaysan inuu fal dil ah uu u gaystay qof shacab ah.

Xildhibaan? Mustafe Cismaan Daahir ayaa lagu eedaynayaa rasaas uu furay habeenkii xalay oo ka dhacday magaalada Hargaysa inuu ku dhintay marxuum lagu magacaabi jiray? Cabdi Dheere.

Ciidamada bilayska ee magaalada Hargaysa ayaa dilka kadib gacanta kusoo dhigay xildhibaan Mustafe Cismaan, waxaana socda baaritaano ay ku ogaanayaan waxa keenay dilka lagu eedeeynayo xildhibaanka inuu gaystay.

Waa dhacdo ku cusub gudaha Somaliland oo horay aanay uga dhicin falalkaan oo kalle, hasse ahaatee waxaa su’ aallo la iska waydiinayaa hadii eedaysanaha dambiga lagu hello waxa uu mutaysan karro.

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Radio Daljir, Hargaysa Somaliland.

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com