Xildhibaan Federaalka kasocda oo Booqday Dugsiga Sare ee Cumar samatar (Sawiro)

Xildhibaan Federaalka kasocda oo Booqday Dugsiga Sare ee Cumar samatar (Sawiro)

Wafdi xildhibaano ah oo ka socda dawlada feralka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sulaymaan Muhamud Hashi oo ka tirsan baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya ayaa booqashadan ugu kuur galayey waxbarashada ardayda Dugsiga sare ee Cumar Samatar waxaana sidoo kale kormeerkan uu qayb ka ahaa Kormeero ay ugu kuurgaliyey Waxbarashada Puntland oo ay ku marayaan intabadan gobolada Puntland.

Khudbad uu ka horjeediyey Ardayda ayuu xildhibaanku uga mahad celiyey Dadaalka waxbarasho isagoo sidoo kale sheegay in Puntland dhanka waxbarashada ay dawlada federalka Soomaaliya Kaalin wayn uga jirto sidoo kalana xusay inay Puntland iyo dugsiyada Sare ay yihiin kuwo lagu Daydo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com