Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada

Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada

Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyadoo xubno ka mid ah Aqalka Sare oo dhexdhexaadinaya khilaafka labada dhinac ay maanta yimaadeen Garoowe.

Xildhibaan Faroolle ayaa sheegay inay doonayaan dhex dhexaadinta khilaafka labada dhinac, waxaana uu xusay inay dhagaysan doonaan tabashooyinka la isku haysto.

Waxaa uu sheegay ka xildhibaan ahaan inay masuuliyad ka saarantahay danta guud ee shacabka, arrimaha ka jira Galmudug ee khilaafka dhexdooda iyo kan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayuu sheegay inay waajiboodkooda tahay in xal laga gaaro.

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ayaa todobaadkii hore ku gacan sayray shir uu ugu baaqay madaxwaynaha Soomaaliya inay isugu yimaadaan magaalada Muqdisho Golaha Amniga Qaranka ee dalka oo dowlad goboleedyada xubno ka yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com