Xiisad ka taagan garoonka Kismaayo iyo qudbadaha musharaxiinta oo socota

Magaalada kismaayo gaar ahaan xarunta baarlamaanka labaad ee Jubaland waxaa ka socta hadal jeedinta musharaxiinta utaagan qabashada xilka madaxweynaha Jubaland, waxaan gobta ku tanaasulay laba kamid ah musharaxiinta oo kala ah Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi.

amaanka xarunta ayaa aad loo adkeeyay, waxaan amniag sugaya ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada kisaamyo wararka naga soo gaarayana waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad udhexaysa ciidamada Jubaland ee ka amar qaatay madaxweyne Axmed Madoobe iyo kuwa AMISOM
Ciidamadan ayaa doonaya in ay ka hor tagaan Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma oo Kismaayo ku wajahan.

magaalada Kismaayo ayaa tan iyo markii ay bilaabatay xulista Xildhibaanada cusub waxaa ka jiray jahwareer siyaasadeed,waxan laga cabsi qaba in xaaladu ay faraha ka baxdo hadi aan xal waara laga gaarin muranka siyaasadeed ee taagan.

dhawaan ayay ahayd markii magaalada lagu soo doortay laba gole oo baarlamaan oo doonaya in ay iska garab shaqeeyaan oo midba midka kale dhankiisa uu soo doorto madaxweynaha cusub.

Beesha caalamka oo arintan soo faragalisay ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhalankara xaalada murugsan ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in doorasho kasta oo ka dhacda Jubaland oo aan waafaqsanayan sharciga iyo dastuurka dalka aysan aqbali doonin.

Diswaanka warka.
radio Daljir Bosaaso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com