Xerada bara-kacayaasha Tawakal oo ay ka bilowdeen barnaamijyo iskaa wax-uqabsaa oo qashina lagu aruurinayo.

Gaalkacyo, Sep 04- Xerada bara-kacayaasha ee? Tawakal oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka biloowday oloole ballaaran oo si iskaa wax u qabsaa dadka ku nool ay isaga qaadayaan qashinka korna ugu qaadayaan nadaafada deegaanka.


Oloolahan muhiimkaa ee? iskaa wax u qabsaa ayaa waxaa hormuud ka ah Gudoomiyaha Xerada bara-kacayaasha? Tawakal Salaad C/nuur Warsame iyo madaxa IDPsyada Gaalkacyo maamo Dahabo Maxamed Barre (Wadani), iyagoo haweenka Tawakalna ay bilaabeen inay qashinka aruuriyaan ka dibna ay ku gubaan goobo gaara oo horay loogu cayimay.


Boqolaal qoys oo u badan haween ayaa qashinka ku gurayay agab aan sidaa u badnayn oo ay ka mid yihiin fargeetooyin maadaamaa kaamku uusan haysan agab sidaa u badan oo qashinka ay ku maareeyaan.


Gudoomiyaha kaamka Tawakal Salaad C/nuur Warsame oo saxaafada kula hadlay isla kaamka ayaa sheegay inay barnaamijkan bilaabeen ka gadaal markii ay u muuqatay inaysan cidna kala qayb qaadanayn hormarinta deegaankooda taasna ay ku dhalisay inay iyagu iska aruuriyaan qashinka ayna wax ka qabtaan nadaafada darada deegaanka oo hadii la fiirsado ay ka dhalan karaan xanuunno.


Dahabo Maxamed Barre (Wadani) madaxa IDPsyada Gaalkacyo oo iyaduna saxaafada la hadashay ayaa sheegtay oloolahan inay garteen ka dib markii ay meesha ka baxday gacan siinta kaamamka magaalada Hay’adihii wax ka qaban jirayna muddooyinkii danbe ay yaraadeen, maamo Wadani ayaa intaasi ku dartay sidoo kale inay arintan bilaabeen maadaamaa ay soo dhawyihiin xili roobaadyadii oo ay u baahan tahay in la iska sii qaado qashinka oo ay cuduro ka dhalan karaan hadii aan la iska sii maarayn.


Qaar ka mida haweenka ku nool kaamka Tawakal ayaa si weyn u soo dhaweeyay barnaamijkaan iskaa wax u qabsaa oo bulshada kaamkaas ay qashinka isaga aruurinayaan oo ay kor ugu qaadayaan nadaafada deegaankooda.


Tawakal ayaa ka mida? kaamamka ku yaal magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka waqooyi waxaana halkaasi ku nool boqolaal barakacayaala.


Diiwaanka Wararka


Daljir


(S)

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com