Xeerka Ciqaabta ee Kufsiga oo laga dhaqangelinayo Puntland (dhegayso)

Xeerka Ciqaabta ee Kufsiga oo laga dhaqangelinayo Puntland (dhegayso)

Kulankan ay wasaarada Cadaalada Puntland ku qabatay Galkacyo ayaa ku saabsanaa dhaqangalinta heerka ciqaabta kufsiga waxaana ka qaybgalay wasiirka cadaalada ,maxkmada sare ee Puntland laamaha amniga Gobolka , maamulka Gobolka Mudug xeer ilaalinta iyo garsoorka Gobolka iyo xubno ka socday wasaarada haweenka Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid looga doodayay sidii looga gudbilahaa caqabadaha ka hor imaankara xeerka ciqaabta Kufsiga

Ugu horayn Gudoomiyaha Gobolak Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa cadeeyay baahida loo qabo saraakiisha dambi barista iyo ka hortaga dambiyada.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Cabdiqadar Baacsade ayaa sheegay in shaqada ugu badan looga baahanyahay ciidanka booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta, isagoona ka hadlay baahida keentay in la sameeyo xeerka ciqaabta Kufsiga.

Hoos kadhegayso hadalkii wasiirka cadaaladda iyo xeerka ciqaabta ee kufsiga Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com