Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Ku Baaqay in Xasanada laga qaado labo Xildhibaan (dhegayso)

HomeWararka

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Ku Baaqay in Xasanada laga qaado labo Xildhibaan (dhegayso)

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho Xeer ilaaliyaha Qaranka Amxed Cali Daahir ayuu ku sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uu ka c

Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan ,Daljir Garowe (dhegayso)
Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Jawaari oo la kulmay Micheal Keating
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bossaso (dhegayso)

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho Xeer ilaaliyaha Qaranka Amxed Cali Daahir ayuu ku sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uu ka codsaday in xasaanadda laga qaado labo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya si loogu qaado dambiyo uu sheegay in ay galeen.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Labada XIldhibaan ee kala ah Xasan Macallin Maxamuud iyo C/Saabir Nuur Shuuriye ay ku eedeysanyihiin Qaran dumisnimo iyo in ay dowlado shisheeye lacag ka qaataan,taas oo uu sheegay in ay tahay qarandumisnimo.

Xeer Ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in marka xasaanadda laga qaado kaddib la geynayo Maxkamadda mudan in ay dacwaddooda qaaddo si loo dhameystiro dambiga lagu soo eedeeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: