Xeer-Ilaaliyaha guud ee Maraykanka oo ka cabanaya madaxweyne Donald Trump

Xeer-Ilaaliyaha guud ee Maraykanka oo ka cabanaya madaxweyne  Donald Trump

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka, General William Bar oo la hadalay ABC News ee Mareykanka ayaa sheegay in uu ka sahqeysan la’ yahaymadaxweyne Donald Trump oo uu wiiqayo shaqadiisa, una adeegsanayo Tweeter-ka, taas aysan u surtagalineynin in uu shaqadiisa qabsado.

Dhaleceynta uu u jeediyay Madaxweynaha ayaa timid xilli isha lagu hayo sida waaxda cadaaladda ee Mareykanka ay ula tacaamusho kiis la xiriira Roger Stone oo la taliye u ahaa madaxweyne Donald Trump balse la xukumay.

Xeer ilaalinta ayaa lagu eedeeyay inay u liiceen cadaadis uga imanayay madaxweyne Donald Trump.

Hadalka xeer ilaaliyaha guud ayaa u muuqda mid uu kaga careysan yahay hab dhaqanka xafiiska madaxweynaha, waxaana uu yiri “Waxay ila tahay in la joogo xilligii la joojin lahaa in barta Tweeter-ka wax lagaga sheego waaxda cadaaladda”.

“Ma qabsan karo shaqadeyda cadaaladda iyadoo marwalba wax laga sheegayo, taas oo minja xaabineysa hawlaha aan hayo,” ayuu raaciyay.

Hogaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee senetka, Mitch McConnell ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu dhageysto hadalka xeer ilaaliyaha.
“Haddii xeer ilaaliyaha uu yirahdo waxay saameneysaa qaabka uu u shaqeeyo, madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu dhagesyto”,ayuu yiri.

Caro aad u ballaaran ayaa ka dhalatay hadal toddobaadkan kasoo yeeray waaxda cadaaladda ee Mareykanka, kaidb markii ay sheegtayy inay qorsheyneyso inay yareyso mudada xabsi ee dadka lagu xukumo, taas oo dad badan ay u arkeen inay tahay mid loogu daneynayo ninka ay saaxiibada yihiin madaxweyne Trump ee Stone.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com