Xasilinta Gaalkacyo: Taliye Gorod oo maanta gaaray Gaalkacyo (sawirro)

Xasilinta Gaalkacyo: Taliye Gorod oo maanta gaaray Gaalkacyo (sawirro)

Waxaa maantay magaalada Gaalkacyo gaaray wafti uu hoggaaminayo Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas General C/wali Jaamac Xuseen Gorod, waxaana safarka ku wehliyay Xildhibaano, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga, Taliyaasha qaybaha Hoggaanka Ciidanka Xoogga, iyo saraakiisha ugu sareysa Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa Garoonka C/llaahi Yuusuf Waftiga ku soo dhaweeyay Guddoomiyaasha Gobolka Mudug ee maamullada Puntland iyo Galmudug, waxgarad iyo cuqaal ka socota labada dhinac ee Gaalkacyo, haween iyo Madasha Isdhex-galka dhalinyarada Gaalkacyo oo ah dhalinyaro ka kooban labada dhinac-ba.

Soodhayn kaddib, Talye Gorod ayaa warbaahinta kula hadlay Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu yiri  “Sharaf bay noo tahay in aan soo gaarno magaalada Gaalkacyo, safarkeenu waxaa uu la xiriiraa, labo u jeedo oo kale ah, marka ugu horraysa, waxaan u nimid in aan sii xoojinno Nabadda Gaalkacyo, bil wax ka yar ayaa kasoo wareegtay markii aan halkaan hishiis ugu kala saxiixnay dhinacyada Gaalkacyo, horayna waan u balanqaadnay in aan Gaalkacyo ku soo laabanayno, arrinta labaad ee ugu muhiimsan ayaan ah in aan Gaalkacyo ku soo dhawaynayno Madaxwayne Farmaajo oo maalmaha soo socda kusoo waajahan Gobolka Mudug, loona baahanyahay in aad si diiran u soo dhaweysaan”

Socdaalka uu Gaalkacyo ku gaaray Talyaha Ciidanka Xoogga waxaa uu kaga duwanyahay safarkii hore in ay ku wehliyaan socdaalkaan saraakiisha ugu saraysa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo xeer-ka ciqaabta Soomaaliyeed waafajin-doona cid kasta oo ka hor timaada Nabadda Gaalkacyo.

Xafiiska Warfaafinta ee Wasaaradda Gaashaandhiga

Gaalkacyo, Soomaaliya

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com