Xasan Xanafi oo Dil toogasho ah lagu xukumay

Bacaadweyn, 03-March, 2016 -(Daljir)_Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga dacwada loo heysto Xasan Xanafi Xaaji oo loo heysto inuu maleegay dilal loo geystay tiro Saxafiyiin ah oo ka howl galayay magaalada Muqdisho.
 
Sida ay sheegayaan wararka Maxkamadeyntan ayaa noqoneysa tii u horeysay tan iyo markii gacanta lagu soo dhigay dhamaadkii bishii December sanadkii 2014.
 
Xasan Xanafi ayaa ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Warbaahinta dowladda, kaasoo uu uga hadlayay dilalkii loo geystay Wariyeyaashii Muqdisho ka howl galayay iyo gacantii uu ku lahaa.
 
Dadka loohaysto dilkooda ayaa waxaa kamid ah; Sheekh Nuur Abkey oo Warbaahinta Dowladda ka tirsanaa,Mahad Axmed Cilmi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Capital Voice,Cali iimaan Sharmaake,Agaasimihii Horn Afrik iyo Saciid Tahliil Axmed oo asna ahaa Markii la dilayay Agaasimaha Idaacadii Horn Afrik.
 
Ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya ayaa xasan Xanafi ka soo qabtay bishii December ee Sanadkii 2014 xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana lasheegay inuu kusii jeedey qaaradda Yurub.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com