Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guud ahaan ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay is cafiyaan oo danyarta garab istaag loo muujiyo.

Waxaa uu sheegay in dalkaan uu haatan marayo meel xasaasi ah, balse kaliya looga gudbi karo in la is cafiyo, isla markaana wixii lagu heshiiyay sida uu yahay lagu fuliyo.

“ Iyada oo shalay aan soo heshiinay Maanta wixii lagu heshiiyay in si kale aan ula dhaqano waa waxa mudada dheer aan dhibaatada ugu jirno, marka waxaan ku baqayaa in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in Caalamka xilligaan uu diyaar u yahay in uu na caawiyo si aan dowlad u dhisano, waxaana uu ku baaqay in la kaashado dalalka Caalamka.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com