Site icon Radio Daljir

Xasan Sheekh oo u Mahad-celiyay Beesha Caalamka

Talaado, September 29, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaaney dalalka beesha caalamka ee ka qeybgaley shirkii gaarka ahaa arrimaha Soomaaliya looga hadlayey ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Madaxweynaha aya sheegay in Soomaaliya ay dadaal badan u gashey sidii waddanka iyo shacabka loogu abuuri lahaa mustaqbal wanaagsan oo ku dhisan dimoqraadiyad, nabad ku wada noolaansho Soomaalida dhexdeeda iyo caalamka intiisa kale, iyo horumar sidaa darteedna ay Soomaalida u arkaan taageerada caalamka mid muhiim u ah ka guul gaarista hadafkaasi.

Shirkan gaarka ah ee heerka sare ee wada shir guddoominayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah.

Madaxda iyo wakiilada kale ee shirkan ka hadashey ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Britain, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynayaasha Uganda, Kenya,Madaxweyne ku Xigeenka Burundi, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Djibouti, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway, xubno ka socdey Mareykanka, Denmark, Finland, Australia, Baanka Adduunka iyo kuwo kale.

 

Daljir.com

Exit mobile version