Xasan Sheekh oo ku wajahan Jubaland

Xasan Sheekh oo ku wajahan Jubaland

Madaxwaynihii hore dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshaynaya inuu booqdo magaalada Kismaayo e xarunta gobolka Jubada hoose, iyadoo uu wali xunyahay xiriirka wada shaqayneed ee dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya wafdi horudhac u ah booqashada Xasan Sheekh inay gaareen magaalada Kismaayo, iyadoona ammaanka siwayn loo adkeeyey.

Wararka ayaa sheegaya socdaalka inuu yahay kulamo uu la qaadnayo madaxda Jubaland iyo waxgaradka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, sidoo kalle waxaa uu qayb ka yahay booqasho uu doonayo inuu ku tago maamul goboleedyada, isagoo hogaaminaya xisbiga UPD.

Xasan Sheekh ayaa lagu dhaliilaa hogaamiyeyaashii Soomaaliya soo maray ee kasoo horjeeda nidaamka faderaalismka ee dalka , isagoona dagaalo adag la galay dhismihii Jubaland , sidoo kalle waxaa uu dhisay oo qarash badan uu ku bixiyay dhismihii maamulka Galmudug oo xiligii uu madaxwaynaha ahaa keenay dagaalo dad badan ay ku geeriyoodeen oo soo noqnoqday oo kadhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo dhexmaray Puntland iyo maamulka Galmudug oo xiligaasi sheegtay inay xuduudiisu tahay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com