Xasan sheekh maxamuud oo Xaadiray Kulankii Barlamaanka maanta

Xasan sheekh maxamuud oo Xaadiray Kulankii Barlamaanka maanta

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta xaadiray fadhiga Baarlamaanka ee xarunta Golaha oo ay kasoo qeybgaleen 178 Xildhibaan.

Golaha Shacabka ayaa fadhigiisa maanta lagu soo gabagabeynayaa dood Xeer hoosaadka Baarlamaanka oo maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada ka doodayeen wax ka bedelkiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo fadhiga Baarlamaanka oo dood Xildhibaanadu ka lahaayeen wax ka bedelka Xeer hoosaadka.

Madaxweynihii hore oo Muqdisho dib ugu soo laabtay dhammaadkii bishii August kaddib 18 bilood oo uu dalka ka maqnaa ayaa muddooyinkii dambe waday dhaqdhaqaaqyo siyaaaadeed oo ugu weynaa dhismaha Xisbiga ay ku bahoobeen siyaasiyiin horay u mucaaradsanaa xilligii uu talada dalka hayay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo 4-tii bishii 3aad 2017-dii loo dhaariyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tirada Baarlamaanka ku noqonaya 276aad, maadaama uu yahay Xildhibaan Abadiya ah, sida uu qabo Dastuurka.

Qodobka 64aad. Tirada xubnaha Golaha Shacabka

(1) Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

(2) Tirada xil-dhibaannada caadiga ah ee Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa 225.

(3) Tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

(4) Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com