Xasan sheekh & Issimadda dhaqanka SSC Maxay kawada hadleen?

Xasan sheekh & Issimadda dhaqanka SSC Maxay kawada hadleen?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soodhaweeynayo go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sida uu ka sheegay kulanka Isimada, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladdiisa ee ahaa in dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

In kasta oo warar faahfaahsan aysan weli ka soo bixin kulanka Madaxweynaha iyo Isimada, haddana ma badna rajada laga qabo Madaxweynaha oo garab-istaaga halganka SSC-Khaatumo.

Diwaanka wararka
Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com