Xasan Jabhad: “Mustafa si kasta oo uu u dadaalo … madaxda Dowlad Deegaanka waxaa loo magacaabaa si ay u raalligaliyaan madaxda Addis Ababa” (dhegayso)

Xasan Jabhad: “Mustafa si kasta oo uu u dadaalo … madaxda Dowlad Deegaanka waxaa loo magacaabaa si ay u raalligaliyaan madaxda Addis Ababa” (dhegayso)

Aqoonyahan Xasan Cabdilaahi Ducaale (Xasan Jabhad) oo ah halgamaa taariikh dheer ku leh noocyadii kala duwanaa ee halgamadii loo soo galay xoraynta Soomaali Galbeed kana soo qaybqaatay welina qayb ka ah ololaha xornimo doonka waxa uu  sannadkii 1977 isaga oo 16 jir ah ku biiray Jabhaddii Xoreynta Soomaali Galbeed (WSLF). Xiligaas oo uu ardey ahaa qorigana waa uu qaatay oo halganka ayuu duurka u galay.

Xasan Jabhad oo waraysi dheer siiyey Radio Daljir ayaa walaac ka muujiyey xaalada maanta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), waxa uu nala qaybsaday waxyaabaha fashiliya halgan walba oo laga abaabulo dhulkaas cadaawadda guunka ah ee Itoobiya lagu maamulo, iyo waxa ay Itoobiyaanku ka aaminsanyihiin Soomaalida.

Xasan Jabhad waxa uu u warramay wariye Khadar Cawl Ismaaciil.

Hoos ka dhegayso hordhaca qaybta 1aad ee wareysiga asaga oo dhammaystiranna kala soco barnaamijka Martisoor ee maalinka Khamiista.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com