Xarunta Golaha Shacabka oo mar kalle isugu imaanayo maanta Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyey in Maanta oo isniin ah inuu jiro kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana ay ka soo qeyb galaan, waxaana diiradda uu saarayaa akhriska koowaad ee xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa laga doonayaa inay qabtaan Shaqooyin adag oo horyaalla xildbibaanada sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Diyaar garowga Kulanka Golaha Shacabka ayaa laga dareemayaa Xarunta Golaha,iyada oo amaanka Maanta siweyn loo adkeeyey.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com