Xal laga gaaray khilaaf ka taagna maamulka degmadda Baardheere ee gobalka Gedo

Iyadoo muddooyinki dambe uu jiray khilaaf qaatay muddo islamarkaana ka dhashay is-qab-qabsi la xiriira maamulka Degmada Baardheere, ayaa Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan degmadaasi, wuxuu magcaabay maamul.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere ayaa loo magacaabay isla Guddoomiyihii hore Cabdullaahi Nuur Xassan Caddow, halka ku xigeenkana loo magcaabay Ismaaciil Sheekh Qorrax Koofi, waxaa jira xubno cusub oo lagu daray maamulka waana xubnaha hoose.

Kadib kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka iyo Odayasha Dhaqanka beelaha kale duwan ee deegaanka ayuu Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu qaatay in isla maamulkii hore dib loo magcaabo si ay dardargeliyaan shaqooyinka qabyada ah ee u yaalla.

Warqadda magcaabista oo kas oo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Agaasimaha waaxda qorshaynta ee madaxtooyada Jubbaland Cabdicasiis Maxamed Xasan Ilkacase.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com