Xabaal Wadareed Laga Helay Duleedka Magaalada Mandheera

Xabaal Wadareed Laga Helay Duleedka Magaalada Mandheera

Sida ay xaqiijiyeen Siyaasiyiinta Soomaalida ee laga soo doorto magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya waxaa Xabaal wadareed laga helay bariga Degmada Mandheera.

Siyaasiyiinta ayaa sheegaya in aysan wali hubin cidda rasmiga ugu dambeysa Xabaal wadareedkaas laakiin waxaa ay sheegeen in ay tuhmayaan Ciidanka amaanka ee maalmihii la soo dhaafay jooga degaankaas, meydadka 5 Qof oo midi haweeney tahay ayaa laga helay  degaanka Bambo.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka Isbitaallka Degaanka Lafeey ayaa Saxaafadda u sheegay in dadkaasi Madaxa laga toogtay ka dibna la aasay.

Mid ka mid ah Eheladda dadka la helay Meydadkooda oo lagu magacaabo Cabdi Caraaye ayaa sheegay in walaalkiis la goobaayay muddo dhowr maalmood.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com