XAALADDA MAGAALADA LAASCAANOOD OO MAANTA DEGGAN.

XAALADDA MAGAALADA LAASCAANOOD OO MAANTA DEGGAN.

Xaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta deggan kadib markii shalay dagaal xooggan uu dhacay halkaasi, kaasoo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

Inkasta oo xaal degganaansho uu ka jiro magaalada Laascaanood, haddana waxaa si xooggan loo dareemayaa dhaqdhaaqyo ciidan oo dhinacyada ah, taasoo loogu suxul duubayo suuragalnimada dagaal mar kale dhaca.

Dagaalka shalay ayaa ahaa mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa ee gobolkaasi tan iyo markii colaadda gobolka Sool bilaabatay.

Somaliland oo magaalada Laascaanood iyo deegaanno badan oo gobolka gacanta ku haystay muddo 10 sanno ka badan, ayaa hadda la kulantay diidmooyin xooggan oo uga yimid dadka deegaanka, kuwaasi oo si cad u diiday damaca Somaliland.

Kacadoonka lagu diidanyahay Somaliland ee dadka deegaanka ayaa yimid kadib markii Somaliland mudddii tobanka sano iyo dheeraadka ahayd ee ay gacanta ku haysay Laascaanood ay ka dhaceen dilal aan loo meel deyin oo lala bartilmaameedsanayey wax-ku-oolka bulshada, cabburin iyo cago-juglayn joogto ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com