HomeUncategorized

Xaaladda deegaano hoos taga degmada Xudur oo dagan ka dib dagaalo ka dhacay xalay.

Xudur, Aug 16- Xaalad daganaana ayaa laga soo sheegayaa degmada Xudur iyo deegaano u dhaw oo xalay dagaalo qaraar ay ku dhex mareen xoogagga Alshabaab iyo ciidanka DFK oo taageero ka helaya milatariga Itoobiya.rn

Shan nin oo maanta lagu dilay magaalada Qardho iyo xaalad kacsanaan ah oo haatan taagan.
Madaxweyne Gaas oo Shir Muhiim ah u Aaday Kenya
Madaxweynaha dalka Oo qiray in dib u dhac ku yimid qorshihii maamul baahinta Federaalka (Dhegeyso)

Xudur, Aug 16- Xaalad daganaana ayaa laga soo sheegayaa degmada Xudur iyo deegaano u dhaw oo xalay dagaalo qaraar ay ku dhex mareen xoogagga Alshabaab iyo ciidanka DFK oo taageero ka helaya milatariga Itoobiya.


Dagaalkan oo xalay ka dhacay meel 5km u jirta degmada Xudur? ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac , inkastoo aysan jirin wax khasaaraa oo soo gaaray dadka rayidkaa ee deegaanka.


Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa waraysi uu siiyay Radio daljir waxaa uu ku sheegay inay cudud ka tirsan Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen makhribadii fariisin ay ciidanka ku lahaayeen duleedka magaalada sidoo kalana ay hub ku soo rideen gudaha magaalada, balse ay iska caabin ku sameeyeen ayna ka saareen deegaanadii ay soo weerareen.


Gudoomiyaha Xudur ayaa sheegay inay ka dileen 4 dagaal-yahan ayna ka dhaawaceen 10 kale sidoo kalana hub iyo gawaariba ay kala hareen kooxihii weerarka soo qaaday, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Ma jiraan illaa iyo hada warar ka madax bannaan hadalka masuulkan oo tilmaamaya baaxada iyo xaalka dhabtaa, balse warar lagu baahiyay warbaahinta Alshabaab ay ku sheegteen inay guulo ka gaareen dagaalkaasi uuna ahaa mid qorshaysanaa, Xaalada ayaa hada dagan mana jiraan wax iska hor-imaadyaa oo ka soconaya Xudur iyo nawaaxigeeda.


Diiwaanka Wararka


Daljir


(S)
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: