Xaaladda Damco oo maantay dagan iyo waxgaradkii deegaanka oo magacaabay guddi-farsamo.

Damco, June, 27 – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaannadii dagaalku uu ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Damco ayaa ku waramaya in odayaashii dhexdhexaadinta ka waday halkaasi ay maantay magacaabeen guddi turxaanbixinaya xaajada halkaasi ka dhacday.

Waxgaradkaasi shalay waxay sameeyeen xabad-joogin iyo kala qaadid mellayshiyaadkii diriray, iyadoo wada-hadallana la daah-furay sifo xal waara looga gaaro mushikiladaasi colaadeed.

Caaqil Cabdirisaaq Jaamac Biixi oo ka mid ah ku hawlanayaasha arrinkaasi ayaa waraysi uu maantay siiyay Radio Daljir waxaa uu uga waramay dadaalada arrintaasi ay u galeen.

Caaqilku waxaa uu sheegay inay ?magacaabeen guddiyo kala duwan oo iskugu dhafan turxaan-bixiyayaal iyo kuwa farsamo, iyadoo isla maanta gogol-dhigii ugu horreeyey la sameeyey, si loo wada-hadalsiiyo labada dhinac ee ay wax kala gaareen.

Dhinaca kale Dacmo waxaa gaaray madax ismaamulka ka tirsan si ay qayb uga noqdaan kala durkin mellayshiyaad iyo isku soo dhawaynta jifooyinka ehelada ah ee dirirtu dhexmartay.

2-maal-mood ka hor ayay ahayd markii dagaal sababay dhimashada ku dhawaad 8 ruux iyo dhaawa dad 10 qof uu ka dhacay deegaanka Damco ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Diiwaanka Wararka

Daljir Boossaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com