Site icon Radio Daljir

Xaaladda Buuhoodle oo degan kaddib qaraxii lagu dilay masuuliyiin deegaanka Cayn

Xaaladda magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa saakay degan, kadib qarax ismiidaamin oo xalay kadhacay oo lagu dilay saraakiil gobolka saamayn ku lahaa.

Saraakiisha geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa waday abaabul ciidamada gobolka iyo ka qaybgalka colaadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, sida wararka aan helayno ay sheegayaan.

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa kala ahaa:

1. Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday lataliyaha Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arrimaha siyaasadda uu kala talin jirey, kuna dhintay qaraxa
2. Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Khaatumo, oo asna ku dhintay qaraxa

Korneel Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Cayn, waxaa soo gaaray dhaawac fudud. Sidoo kale, Yuusuf Cismaan Baxnaan “Dhagcas” kana mid ah cuqaasha Buuhoodle waxaa asna soo gaaray dhaawac fudud.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay Buuhoodle oo ah markii u horaysay ee qarax ismiidaamin ah uu ka dhaco Buuhoodle, lalana beegsaday saraakiil iyo aqoonyahanka Buuhoodle oo qayb ka ahaa dib-u-xoreynta gobolka Sool.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

Exit mobile version