Xaaji Faarax Kharaarsho: Warqad furan oo Daljir ku socota (akhri)

Xaaji Faarax Kharaarsho: Warqad furan oo Daljir ku socota (akhri)

Warqad furan oo ka timid Xaaji Faarax, kuna socota Radio Daljir


waxaan aad u dhegeystaa daljir weli waxaan u badnahay duhurkii waxaan aad uga helay sheeko ku saabsan sida xildhibaanka nabadoonkiisu u soo xulo iyo danaha ka dhexeeya::::

maanso sheekada ka turjumeysa
1.duhurkii markey tahay
2.bbc dabeed
3.daljir baan dhegeystaa
4.sheekooyin duluc iyo
5.dareen iyo ujeedda leh
6.doorashada butlaan iyo
7.dantey kaga hadlaaniin
8.waxna kuma daraaniin
9.daacad bey ka sheegaan
10.cidna kuma duraaniin
11.denbi uma sameeyaan
12.dulmigana ma yeelaan
13.daymada la yaabka leh
14.labadey duqeeyeen
15.darbadana ku laadeen
16.docna ugama leexane
17.dawaali ugu beegoo
18.daakhilka wayga u dhigay
19.duqa odaga reerkiyo
20.nabadoonka duubka leh
21.xildhibàanka doorkaa
22.wuxuu daadda heeyaa
23 danta key wadaagaan
24.duntuna isu xiran tahay
25.dal yaqaanka soo maray
26.doorkaan ahayn kow
27.u diyaarshey maal badan
28.doollarna mèel u yaalloo
29.baabuurna doca dhigey
30.booyaddaa duqdaayoo
31.biyaha lagu daldalayana
32.duunyadu cabbaannoo
33.daba joogta xoolaha
34.kana daahin weligeed
35.iyo nooc dekeyn taa
36.ku danaysto odaguyo
37.ugu dego magaalada
38.dan hadduu ka leeyahay
39.dadkuna aaney heli karin
40.diric nin geystey mooyee
41.kan kale waa iskaga daal
42.damiciisu ma hirgalo
43.dariiquu maraayana
44.isagaa dawa khayee
45.dadka laguma soo xulo
46.dadnimiyo aqoon iyo
47.door kaan xaq yaaliyo
48.isku duubni talo iyo
49.hebel aan u deyniyo
50.duulkaa an siiniyo
51.danwadaag an noqoniyo
52.mar horaa la diidoo
53.ninna dooni maayoo
54.cidina uma diyaar ah
55.ninka degeyna waa quus
56.duuduubka maansada
57.intaa aan ku daayee
58.diirkana ka qaadee
59.yaa daadin kara lacag
60.oo doollar bixin kara
61.dadka meel ku shirin kara
62.dagaal kuu ka muuqdana
63.duleed kaa la tegi kara
64.raallina ku diri kara
65.duqeyduna wadaaniin
66.ka gadaan dad weynaha
67.dalab kiisa fuliyaan
68.qof difaaca maahee
69.ninna diidey oran karin
70.laaskana darsanayiyo
71.durdurkaan la kala xigin
72.kan kale waa dawakhayaa
73.lana dooran maayoo
74.deg deguna ma fiicnee
75.door kale nasiib kaa
76.iyo daayin tuugsigi
77.dib wixii laguu qoray
78.deeq eebbe weeyoo
79.laguu diidi maayee
80.adoon doqon wax kaa cunin
81.dabadeedna kaa tegin
82.u dul qaado maalmoo
83.ha dayic waqtiga oo
84.ha kaa daaho godolle
85.maruun baa dagnaan heli
86.day dayo yuu ku dhaafine
87.dusha sare ka awdoo
88.dabool adag u yeelo
89.yey dabayli qaadine
90.daloollada cufay oo
91.debnahaaga ka adkow
***

Halkan ka daalaco warqadda Xaaji Faarax

***

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com