Xaaf oo sheegay inuusan marti ka noqon doonin howlaha Galmudug

Xaaf oo sheegay inuusan marti ka noqon doonin howlaha Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in wixii hadda ka dambeeya in Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay keligeed qabato howsha dhismaha Maamulka Galmudug, isagoo dalbaday inay ka wada shaqeeyaan howlaha haatan horyaalla.

Khudbad uu xalay ka jeediyay Munaasabadda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb ayuu uga mahadceliyay dowladda Federaalka dadaalka ay sameysay iyo qaabka ay u maareysay Ahlusuna.

Waxaa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aysan marti ka noqon doonin howshooda, sharci ahaana ay xaq u leeyihiin, isla markaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha aysan keligood ku noqoneyn howsha oo ay la ogaan doonaan wax walba.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha wixii hadda ka dambeeya Lig Liga ayaan kula heysanaa, waxaa jeclahay, Sharcigana uu dhigaayo, in iyadoo wadajir ah la sameeyo Guddiga Farsamada, maalintii la magacaabayay Guddigan hada jira Sabriye waa soo wacay, wax aa ku iri wax un aan ka wada tashino, in aan marti mar kale noqono ma rabno, caawa marti baa nahay kuligeen haddaa nahay reer Galmudug, Xildhibaanada la xulaya yeysan noqon waxa Xamar laga keeno oo maalintii la rabo loo yeero”ayuu yiri Xaaf oo u muuqday nin mar kale dib u soo ceshanayay awooddiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com