Xaaf oo la Kulmay Maanta Guddiga loo xilsaaray Ka shaqaynta Dastuurka Galmudug

Xaaf oo la Kulmay Maanta Guddiga loo xilsaaray Ka shaqaynta Dastuurka Galmudug

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Gelle Xaaf, ayaa la kulmay Guddiga loo xilsaaray Ka shaqaynta Dastuurka Galmudug, kana mid ah Guddiyada ka howl galaya dhamaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna, waxa uuna kala hadlay Qodobo ay ka mid yihiin Dar dar gelinta Howlaha loo igmaday Guddiyada iyo inay u shaqeeyaan si Cadaalad iyo Hufnaani ay ku jirto .

Madaxweynaha Galmudug ayaa Guddiga waxa ay u soo bandhigeen Nuqulo ay ka diyaariyeen Dastuurka, laguna samayn doon isku dhaf iyo wax ka badal, waxaana Madaxweyne Xaaf uu boggaadiyey sida Guddiyadu ay u wadaan Howlaha loo xilsaaray.

Kulanka iyo Kormeerka Madaxweynaha ka dib ayaa waxaa warbaahinta uga
warbixiyey sida wax u socdaan Abukaate Bashiir Xaasji Yuusuf oo Xubin
ka ah Gudiga, horayna uga mid ahaa Qubaradii soo diyaarisay Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com