Wufuud ku soo Wajahan Garowe iyo Diyaar-garowe loogu jiro

Talaado, Feberaayo 09, 2016 (Daljir) —Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa saaka laga dhowrayaa wafuud kasocota Qaramada Midoobey iyo safiirada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya.
 
Wafuudaani heerka caalami ah ee uu hogaaminayo wakiilka xoghayah guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan xafiiska taageerada Soomaaliya ayaa waxa ay kulamo laqaadan doonaan madaxda dowladda Puntland.
 
Warar hoose ayaa sheegaya in wafuudaani ay madaxda Puntland kala hadli doonaan arrimaha geedi socodka ee hanaanka doorashada Soomaaliya, gaar ahaan qaadashada hanaanka waxqaybsiga qabiilka ee 4.5.
 
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo dhowaan ka qaybgalay shir kadhacay Muqdisho ayaa qaadacay inay saxiixaan 4.5, maadaama ay horay ubalanqaadeen inay fulin doonaan rabitaanka shacabka Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com