Wsaaradda maaliyadda iyo taliska ciidanka Puntland oo ka arrinsanaya arrimaha mushaharka ciidanka

Garoowe, Mar 01 2017-Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland iyo taliska ciidamada Puntland ayaa lafilayaa inay jawaab ka bixiyaan saacadaha soo aadan cabashada cutubyo katirsan ciidanka Kumaandoosta Puntland oo mushahar tabanaya.

Xogo hoose oo ay Daljir heshay ayaa sheegaya in madaxda wasaaradda iyo taliska ciidanku isku maqan yihiin si ay usoo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee ku aadan cabashada ciidamada.

Saraakiil katirsan ciidamada ayaa soo bandhigay warqad cabasho ah oo ay ku muujinayaan mushahaar isgaar gaarey oo ka maqnaa bilo kala duwan, kaas oo xitaa qaarkiis lagu lahaa xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole.

Wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ayaa dhowaan soo bandhigtay war qoraal ah oo ay ku cadaynayso inaysan jirin wax mushahar ah oo ka maqan ciidamada dowladda.

Saddex maalin kahor ayaa ciidamo katirsan dowladdu saacado kooban gacanta kuhayeen xarunta barlamaanka dowladda Puntland, inkastoo ugu dambayntii laga saaray.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com