W/kuxiggeenka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland C/qani Geele Maxamed oo beeniyay in beesha Awrtable ay kasoo horjeedaan mudada xilka Faroole.

Garowe, Sept, 29 – W/kuixigeenka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada dawladda Puntland mudane C/qani Geele Maxamed oo shirjaraa’id maantay ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa sheegay in guud ahaanba aanan-waxba ka jirin warar ay qoreen warbaahinta qaar oo ku saabsanaa in beesha Yuusuf Daarood ay ku baaqeen shir lagu bad-baadinayo Puntland, loogana soo horjeedo muddo kororsiga madaxwane Faroole.

“Waxaan si cad u caddaynayaa guud ahaanba warkaasi inaanan waxba ka jirin, isla markaana aan ku tilmaami-karno arrin-siyaasadaysan oo qorshaysan, waxaan la xiriirnay dhammaan odoyaashii iyo waxgaradkii beesha waxayna noo cadeeyeen arrintaasi inaysan waxba kala soconin” Sidaasina waxaa yiri C/qani Geele Maxamed kusimaha wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Dhinaca kale, Radio Daljir waxaa nagu soo booqday qaar ka mid ah odoyaashii magacyadooda lagu daabacay warbixinno lagu soo daabacay qaar-ka mid ah websate-yada Soomaalida kuwaasoo sheegaya in beesha Awrtable ay kasoo horjeedo muddo kororsi la tilmaamay in xukuumadda Faroole ay damacsantahay.

Afhayeen u hadlay odoyaasha oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Oday ayaa yiri “Warka lagu daabacay websateyada waa arrin aan sharciga la tiigsan-doono, waa qabaa’il dhan oo laga been-sheegay, odoyaasha liiska ku qorana way ila fadhiyaan, arrintaasina waxba kalama socdaa”.

Beeneentaan ayaa kusoo beegmaysa xilli muddooyinkii ugu dambeeyay warbaahintu ay si wayn u hadal-hayeen furitaanka nidaamka asxaabta badan ee Puntland, iyo muran xooggan oo la galiyay muddada xil-haynta madaxweyne Faroole.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com