Wiil Soomaali ah Qaxootina Ku ah Norway oo Natiijo Fiican Ka Keenay Imtixaanka Dalkaasi

Wiil Soomaali ah Qaxootina Ku ah Norway oo Natiijo Fiican Ka Keenay Imtixaanka Dalkaasi

Wargeys Maxali ah ee kasoo baxa magaalada Hamarfest ee woqooyiga dalka Norway, ayaa cadadkiisa shalay warbixin dheer kasoo qoray wiil Soomaali ah oo lagu Magacaabo Ahmed Osman Mohamed oo Norway qoxootinimo kusoo galay sanadkii 2011, balse 13 maado oo kuwa dugsiga sare ee Norway ah ka keenay natiijiada 6 ama A.

Ahmed ayaa dhawaan ka qalinjabiyay dugsiga sare ee magaalada Hamarfest, wuxuuna sheegay inuu rabo inuu jaamacada kasii barto dhaqtirnimo. Wargeyska Hamarfestingen ayaa sidoo kale qoray in Ahmed uu shaqo ku garab waday intii uu dhiganayay dugsiga sare.

Ahmed ayaa wargeyska u sheegay in macalimtiisa dugsiga sare uu ka helay caawimaad badan, taasna ay kamid tahay waxyaabaha u sahlay inuu natiijo fiican ka keeno dugsiga sare. Isaga oo raaciyay in barashada luuqada Norwiijigu ay tahay, waxa ugu muhiimsan ee qofka u sahli karo inuu heer fiican ka gaari karo nolosha ama waxbarashada Norway.

Marar badan ayay warbaahinta Norway soomaalida ku eedeysaa inay yihiin kuwo dib u socod ah oo aan horumar ka gaarin nolosha Norway, laakiin dadka Ahmed oo kale waxey tusaale muuqdo oo lagu dayan karo u yihiin soomaalidu Norway guud ahaan, gaar ahaan dhalinyarada wadanka ku cusub.

Ugu Danbayntii Warbiixntaan ayaa lagu Qoray Wabka Soomaalida leedahay ee Dalka Norway kaasoo lagu Magacaabo Norsomnews ee inta badan ka hadala Xaaladaha Qaxootiga Soomaliyeed ee ku Sudan Dalka Norway iyo Wax waliba ee Quseeya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Norway.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com