Wiil Qaxootinimo ku soo bar-baaray oo Wasiir ka noqday Koonfurta Suudaan

Jimco, Luuliyo 10, 2015 (Daljir) — Valentino Achak Deng (Wiilkii Lumay) Wuxuu ahaa cunug yar oo cabsi badan, kaasoo markii uu yaraa ka carayay Dagaalladii soo maray Dalka uuu dhashay ee loo yaqaanno Koonfurta Sudan, si dirqi ah ayuuna uga baxsaday.

Wuuxu kusoo noolaaday xeryo qaxooti oo ku yaala dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxa uuna xilligaa helay waxbarashadii ka luntay intii uu ka cararay dagaaladda, kahor inta uusan ugu dambeyn dib u dajin uga helin dalka Maraykanka.

Taariikhda Mr Deng, waxaa laga qoray buug ciwaankiisu yahay. What is the what (Maxaa maxay tahay) waxaana qoray qoraaga la yiraahdo Dave Eggers.

Deng, wuxuu noqday Wasiirka Waxbarashada Waqooyiga Gobolka Bahr el-Ghazal oo ah gobal mid ka mid ah 10-ka gobal ee dalka South Sudan, taasoo xoriyadeeda ka qaadatay dalka Sudan bishii July sanadkii 2011-kii.

Deng, ayaa sheegaya in lama filaan ay ku noqotay xilka loo magacaabay, laakiin xaqiiqdii waa wiil aan waxba ahayn oo hadda noqday wasiir xiran dhar aad u qurux badan. isagoo yiri. \”Haddii Qofka wanaag iyo Niyad-sami ay ku jirto, wax walba oo wanaagsan wuu heli karaa.\”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in casharka ay nolashu bartay uu yahay in dadka mar walba ay wax baran karaan, si kasta oo ay xaaladdooda u adagtahay, isla markaana ay kori karaan.

Deng ayaa himilo ballaaran u haya caruurta hoos yimaada, waxa uuna sheegay inuu ugu filan yahay tusaale, oo wax walba ay suuro-gal yihiin. wuxuuna yiri. \”Waxaa cajiib ah in aad Aragto carruur dhibaatooyin badan soo martay, haddana qoslaya oo ka gaaray nolosha guulo.\”

Tirtiridda kala Qeybsanaanta;

Deng waxa uu caruur ka keenay Pibor, oo ah meel ay dagaalada dalkaasi saameeyeen, kuna taala cirifka kale ee Koonfurta Suudaan. Waa fikir uu Rumeysan yahay in looga gudbi karo kala qeybsanaanta gobalada ee bulshooyinka dalkaasi.

Wuuxuu yiri. \”Waxaan doonayaa in carruurta Waqooyiga Gobolka Bahr el-Ghazal ay wax la bartaan caruurta sagaalka gobal ee kale ee dalka South Sudan, ayna ka faa’iideystaan is dhexgalka dhaqanka iyo bey’ada.

Inkasta oo Mr Deng ay caqabada badan horyaalaan, uuna yahay wasiirka gobalka dal aad loogu kala qeybsan yahay siyaasadda, wajahayana dhibaatooyin dhaqaale oo ay ka dhax-leen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka South Sudan, ayaa Mr Deng waxa uu leeyahay waxaan la’nahay macalimiin khibrad leh, waxaana taa kasii daran in caruur badan ay buux dhaafinayaan iskuulka.

Carruurta Gobolkaas ayaa intooda badan Geedaha Hoostooda wax ku barta, Casharradana Suuro-gal uma ahan xilliyada Roobabka.

Caruurta badankood waxa ku adag in ay fahmaan luuqada ingariiska, Luuqadda rasmiga ah ee South Sudan, gaar ahaan haddii ay ku koreen dalka Sudan ka hor xornimadii, markaa oo luuqada Carabiga ay ahayd tan rasmiha ah.

Sicirka Noolashada;

Waqooyiga Bahr el-Ghazal, waxa uu ka Badbaaday Dagaalka ka socday Dalka intiisa kale, balse dhibaatooyinka qaran ayaa sameeyay gobolka.

Mr Deng ayaa sheegay in qiimaha maciishadda ay sare u kacday oo macalimiinta aanay ku filneyn mushaaraadka ay qaataan, ardeydana gaajo darteed ay iskuuladda la’aadi la’ yihiin.

Dalal badan oo ku yaala gobolka, sida Rwanda, Uganda iyo Ethiopia waxay kasoo kabteen dagaaladii ay soo mareen, Mr Deng, Waxaa ka Dhaadhacsan in Dalkiisa uu Sidoo kale ka tallaabi karo caqabadahaas oo dhan.

Xigasho: BBC

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com