Wiil dhalinyaro ah oo magaalada Muqdisho aan wax shaqo ku helin CVyadiisa ayaa qaab cusub shaqo ku raadinaya (dhegayso)

 

 

Wiil dhalinyaro ah oo jaamacad dalka kaga baxay oo inka badan kun CV- u diray shirkado, hay’ado iyo wasaarado dowladda Soomaaliya ka mid ah oo kadib markii uu wax tixgalin shaqaalaysiina ah ka waayay bilaabay sawirkiisa boor uu ku dhajiyay oon wadooyinka Muqdisho suray, isagoo codsanaya in shaqo lasiiyo.

Soomaaliya oo muddo dheer dal bur bur oo dagaalo sokeeye ay kasocdaan ah ayaa haddana waxaa muuqata horumaro iyo niyad isla socda, kuwaasi oo inta badan ay wajahayaan dhalinyarada dalka oo ay ka mid tahay shaqo la’aanta kajirta dalka iyo shaqooyinka tirada ar ee lasoo dhajiyo oo aan lagu bxiin inta hab cadaalad ah.

Abuubakar Axmed Xuseen, oo sanadkii 2016kii jaamacad ka qalin jabiyay, bartayna cilmiga IT-ga ayaa shaqo raadis ah muddo sadex sano ku dhow, isagoona codsi uu u diray shirkado iyo hay’ado dalka ah ka waayay wax tixgalin ah oo codsigiisa loogu jawaabayo.

Hadda ayaa waxaa uu bilaabay qaab ka duwan CV-ga inuu shirkadaha iyo hay’adaha dowladda iyo kuwa kalle geeyo isagoona markii uu ka daalay bilaabay fakerkan cusub ee shaqo raadiska ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com