Wiil carruus ahaa oo lagu dilay Muqdisho

Wiil carruus ahaa oo lagu dilay Muqdisho

Wiil dhalinyaro ah oo carruus ahaa ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib markii muran uu dhexmaray marxuumka iyo askari katirsan ciidamada dowladda faderaalka Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay waddooyinka magaalada Muqdisho ee shalay loo xiray booqashada madaxwaynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiwaaxid Jibriil Afrax, waxaana xaaskiisa lagu magacaabaa Saamiya Sulaymaan Jaamac.

Marxuumka ayaa watay mootada bajaajka ee sadexda lugood leh, waxaana uu ku guda jiray inuu biilka qoyskiisa u raadsado magaalada, isagoo ahaa carruus muddo sadex beri ah.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com