Wejigii 1-aad ee dib u hesiisiinta K/Galbeed oo la soo geba gebeeyey

Wejigii 1-aad ee dib u hesiisiinta K/Galbeed oo la soo geba gebeeyey

Munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay wejigii koowaad ee dib u heshiisiinta K/Galbeed iyo taageeridda maamulka cusub ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan,C/weli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka,madaxweyne Laftagareen,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

XIldhibaanadii,wasiiradii iyo odayaashii dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodi muujiyay in ahmiyad ay leedahay midnimada shacabka Koonfur Galbeed,Ugu horeyn Xildhibaan Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Muhiim ay tahay midnimada dadka Reer koonfur Galbeed.

C/casiis Maxamed Xasan(LaftaGareen) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa sheegay in qof walba oo ah oo Reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay,isagoo ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com