Wefti uu hogaaminayo wasiirka amniga ee dowladda Puntland oo kormeerray degmooyin ka mid ah gobolka Karkaar.

Banderbayla, Apr 07 -Wefti uu hogaaminayo wasiirka amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayna ka mid yihiin taliyaha ciidamada booliska dowladda Col Maxamed Saciid Jaganaf iyo taliye xigeenka booliska Muxidiin Axmed Muuse ayaa gaaray degmada Bandarbayla ee gobolka Karkaar.

Wasiirka amniga iyo weftigiisa ayaa booqday tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Banderbayla, wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljira ayaa waxaa uu sheegay socdaalka ay ku marayaan gobolka Karkaar inay tahay mid ay ugu kuurgalayeen amaanka iyo xaaladdaha dhabta ee deegaanka ka jirta.

Waxaa uu sheegay xaaladdaha amaanka ee deegaanka inay yihiin mid aad u wanaagsan, xiligaana aysan jirin xaalad abaaro oo deegaankaasi ka jirta.

Wasiirka amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan qorsheyaal ay ka mid yihiin in la tayeeyo booliska degmada Bandarbayla, ciidamada madaniga iyo saldhiga booliska ee degmada.

Waxaa uu ugu dambeyntii uu sheegay wasaaradda amniga inay ku dadaalayso xaqiijinta amniga iyo ka hortagga kooxaha burcadbadeeda.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com