Weeraro rasaas iyo qaraxyo oo saakay lagu qaaday xarun ku taala Gaalkacyo

Weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxu waxaa uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo xarun uu lahaa Cabduweli Sheekh Cilmi Yare oo ahaa sheekh horay usoo bandhigi jiray qasiidooyin iyo cayaaro kalle duwan, kaasi oo haystay dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jiray.

Warar kalle duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyadan, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka ee Danab oo isku dayaya inay soo badbaadiyaan dadka gudaha xarunta ku jira ee la weeraray.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena dambe


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Weeraro rasaas iyo qaraxyo oo saakay lagu qaaday xarun ku taala Gaalkacyo”

  1. Abdirizak mohamed

    Waxan jogaa cabudwaaq Werarkan lagu qaday cabduwali wa mid ladhihi karo mid ku haboon marka ay wax ka qabanwayday wasarada diinta iyo awqaafta waa mid u gafay rasulkena nabi Mohamed SCW

U Jawaab Abdirizak mohamed Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com