Weerarka Buundada London: Magaca iyo Masawirka 2 Argagixiso oo la Shaaciyey

Weerarka Buundada London: Magaca iyo Masawirka 2 Argagixiso oo la Shaaciyey

Booliska London waxay shaaciyeen magacyada 2 nin oo ka danbeeyey weerarkii argagixiso ee London, kuwaas oo kala ah Khuram Shazad Butt iyo Rachid Redouane. Weerarka waxaa qaaday 3 nin oo saddexdaba lagu dilay 8 daqiiqo gudahood kaddib markii booliska la soo wargaliyey.

Khuram Shazad waa 27 sano jir, waana muwaadin Ingiriis ah, laakiin ku dhashay Bakistaan, sirdoonka Ingiriiskuna la yiri waa la socdeen dhaqdhaqaaqiisa oo ay ku fasireen “jihaad doon” laakiin ay raacsheen lama ogayn in uu weerar noocaas oo kale ah qaadi doono.

Weeraraha labaad waa 30 sano jir magaciisa lagu sheegay Rachid Redouane, lana yiri wuxuu sheegtay in uu yahay Marookaan, mar kalena sheegtay in uu yahay Liibiyaan. Magac kale oo loo yaqaan baa asna ah Rachid Elkhdar, kaas oo asna ay u diiwaangashantahay taariikh dalasho oo ka duwan tan kale.

Labada ninba waxay ahaayeen daris ku nool bariga London.

Weli lama shaacin magaca weeraraha saddexaad, waana lagu gudajiraa baadigoobka qofka uu yahay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com