Weeraradii Burcad badeeda oo sanadkaan hoos u dhacay.

Warbixin ay soo saareen Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB) iyo Rugta Ganacsiga ee Caalamiga ah ( ICC)ayaa lagu sheegay in weerarada burcad badeeda ay sanadkaan hoos u dhaceen ka dib markii ay xoogeysteen ciidamada la dagaalanka burcadbadeeda ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ,waxa ay sheegeen in la qaatay talaabooyink sahlaaya in laga hortago weerar kaste oo burcadnimo.

” IMP Waxay aaminsantahay in weerarada burcad badeeda ay hoos u dhaceen sanadkaan ka dib markii la xoojiyay ciidamada ka howlgala xeebaha Soomaaliya, inkastoo loo baahanyahay in la sii laba jibaaro la dagaalanka burca.

Warbixintaan ayaa waxaa dhinacyadu ku cadeeyeen in sanadkaan ay si aada hoos uga dhaceen weerarada ay u geysan jireen kooxaha burcadbadeeda Soomaalida maraakiibta ganacsiga.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com