Weerarada lagu haayo Soomaalida ku Ganacsatada dalka Koonfur Afrika oo kordhay

Weerarada lagu haayo Soomaalida ku Ganacsatada dalka Koonfur Afrika oo kordhay

Kooxaha burcadda Koonfur Afrikanka ah ayaa sanadkaan cusub ee 2023 waxaa ay kordhiyeen weerarada beegsiga ah oo ay ku hayaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyada oo maalmihii la soo dhaafay Soomaali farabadan lagu weeraray gudaha dalka Koonfur Afrika.

Kooxaha burcadda ah ayaa Maanta weeraray Goob ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, iyaga oo dhaawacay laba rag Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Mukhtar Abuukar oo ku magac dheer (Abuu) oo taxiile ah iyo Cumar Adduunyo , xilli ay ku sugnaayeen Xaafada Zwide gaar ahaan wadada Booi street Zwide.

Labada Dhalinyarada Soomaalida ah ayaa waxaa dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Livingstone hospital ee magalada Port Elizabeth, si halkaasi loogu daaweeyo.

Soomaalida kunool Magaalooyinka kala duwan ee adlka Koonfur Afrika ayaa muujinaya walaac xoogan sanadkaan cusub ee 2023 maadaama ay kordheen weerarada lagu haayo Soomaalida, isla markaana ay ka dambeeyaan Kooxaha Burcadda ah ee u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika.

Ciidamada ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo mar walba taga goobaha lagu dilo ama lagu dhaawaco Soomaalida, balse aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxihii ka dambeeyay dhibaatadaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com