Weerar lagu dilay Askar Kenyan ah iyo faah faahin kasoo baxeysa

Weerar lagu dilay Askar Kenyan ah iyo faah faahin kasoo baxeysa

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah waxaa ay ku qaadeen Kolonyo katirsan Ciidamada Kenya oo ku socdaalayay duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari, waxaana weerarkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday Askar katirsan Ciidamada Kenya.

Weerarka ayaa sigaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa degaannada Weelmareer iyo Yunbis, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid kamid ah Gaadiidka Ciidanada Kenya lagu dhuftay qorayga loo yaqaano RPG ama Sabanka, isla markaana uu dhinac ka gubtay, hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha kasoo gaaray Ciidamada Kenya.

Saraakiil katirsan Ciidamada Kenya ayaa sheegay ayaa dhankooda sheegay inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena hadda ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii weerarka kusoo qaaday.

Al-Shabaab oo dhankooda sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay inay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya ee Kolonyada saarnaa wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinays sheegashada Al-Shabaab.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay so galeen Gudaha Soomaaliya kana mid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee loo bedelay ATMIS ayaa waxaa ay la kulmayaeen weeraro kala duwan, kuwaas oo kaga imaanayay dhinaca Al-Shabaab, halka mararka qaar Ciidamada Kenya ay howlgallo fuliyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com