Weerar lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda oo xalay kadhacay Muqdisho

Weerar lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda oo xalay kadhacay Muqdisho

Ilaa afar ka mid ah ciidamada Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa waxaa uu dhacay kadib markii koox hubaysan ay weerareen hoyga sarkaal katirsan ciidamada militariga ee dowladda oo xiliga uu weerarku dhacayay ka maqnaa hoygiisa ku yaalay xaafadda Saybiyaano ee duleedka Muqdisho.

Sarkaalka ayaa u sheegay warbaahinta inay xaaskiisa soo wacday oo ay u sheegtay in lasoo weeraray, kadibna uu yimid isagooo arkay maydka laba ka tirsan ciidamada iyo laba dhaawac ah oo markii dambe isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawacooda.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com