Weerar kadhacay deegaanka Tukaraq

Weerar kadhacay deegaanka Tukaraq

Ciidamo deegaanka Sool kasoo jeeda ayaa saakay weeraray saldhig ciidamada Somaliland ku leeyihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Weerarka ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii ciidamadan weeraray ay ka xumaadeen joogitaanka ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Ciidamada Somaliland ayaa hub noocyadiisa kale duwan uga jawaabay weerarka, waxaana uu markii dambe uu iskiis u istaagay dagaalka.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaan ka hadlin dagaalkan, inkastoo warar la helayo ay sheegayaan inuu weerarka saakay ku dhicin amar kasoo baxay saraakiisha Puntland.

Ciidamada Somaliland ayaa siddeedii bishaan ka qabsaday Puntland, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen, waxaana uu ahaa xarun maamulka Puntland uu ku canshuuri jiray gaadiidka isaga kala gudba gobolada Somaliland iyo Puntland, waxaana beryihii ugu dambeeyey ciidamo labada dhinac katirsan oo loo daad gureeyey deegaanadaasi oo ay xaalad kacsanaan ay ka jirto.

Dadka deegaanka Tukaraq ayaa horay uga qaxay iyagoo ka baqdin qaba dagaalka labada dhinac inay wax yeelo kasoo gaarto.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com