Weerar ka dhacay magaalada Utrecht ee dalka Netherland (Sawiro)

Weerar ka dhacay magaalada Utrecht ee dalka Netherland (Sawiro)

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay rakaabkii saarnaa bas nooca korontada ku shaqeeya oo marayey xaafad ka mid ah magaalada Utrecht ee dalka Neteherland.

Hal ruux ayaa ku dhintey dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen iyadoo qofkii weerarka ka dambeeyay uu baxsaday.

Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa la geeyey ciidamo tira badan, waxayna ciidamadu isku gadaameen dhisme la rumeysan yahay inuu galay qofka weerarka geystey.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in qof kaliya uusan weerarka geysan balse ay jiraan dad kale oo ku wehelinayay weerarka.

Booliska ayaa ku baaqay iney ka fogaadaan goobta uu weerarku ka dhacay dugsiyada waxbarashada ee ka agdhaw goobahaasi albaabkooda ay xirtaan..
Booliska ayaa waxa ay sheegeen inuu weerarkaasi noqon karo fal argagaxiso.

Ra’isal wasaaraha Netherland Mark Rutte ayaa sheegay inay dhacdadan aad u murjisay oo uu baajiyey khudbad toddobadla ah oo uu jeedin lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com